Thursday, January 14, 2016

Qaybintii bisha January 2016





Bilawgii sannadka 2016 ama January 2016, waxaa ay hawlwadeenada NololKaab qaybiyeen raashinkii iyo mucaawimadii loo soo dhiibey.
Bishan waxaanu deeqo kala duwan gaadhsiiney 4 qoys oo ku kala nool daafaha Hargeysa. Qoysas kaasi oo ahaa kuwo noo diiwaan gashanaa istaahileyna in loo gargaaro.
Waxaa kale oo iyadna barbar socotay deeqaha raashin ka ah, deeqihii waxbarasho ee NOLOLKAAB uu u fidiyey qaar ka mid ah ubadka qoysaskaasi aanu caawinno.
Allah ayay mahadi u sugnaataye waxaanu u mahad naqaynaa, dhammaan bulshada khayrka jecel ee nagala qayb qaatay hawshan.
Mahadsanidin.

Sunday, December 20, 2015

NOLOLKAAB‬ iyo qaybintii raashinka ee Bishan 12aad.


Mahadi Rabbi ayay u sugnaatay. 
Waxaa wax lagu farxo ah in 4 qoys oo ka mid ah qoysaska u diiwaan gashan NOLOLKAAB ay maanta gaadho deeqihii ay soo direen walaalaha khayrka jecel gudo iyo dibadba.
Waxaa kale oo iyadna farxad u ah dhammaan NOLOLKAABAYAASHA in qoyasaska inoo diiwaangashan loogu deeqay laba arday oo waxbarasho heer dugsi sare ah oo bilaash ah aynu ugu darno caawimadii raashin ka ahayd ee aynu hore u bixin jirney.
Alle mahaddii labadii arday imika waxaa ay si wanaagsan u wataan waxbarashdoodii waana arday jecel dalkooga iyo dadkoogaba.
Dhammaan NOLOLKAABAYAASHA aanu ka helnay deeqaha lacageed waxaanu idiinku ducaynay in Rabbi idiinku daro miisaaka xasanaadka...
Hadii aanad hore ugu jirin NOLOLKAAB maanta ku soo biir, hadii aad xubin hore u ahaydna fadlan nagu soo xidh asxaabtaada wanaaga jecel.
Wixii talo bixin ah iyo raadin xogo ku saabsan NOLOLKAAB, fadlan la xidhiidh: 0634068022, 0634063376.

Thursday, September 10, 2015

NololKaab iyo Bishii 9aad:



Hawlwadeenada NololKaab waxaa bilaabeen qaybintii raashinka ee bishan September.
3dii bishan illaa 7dii bishan intii ka dhaxaysay ayaa ay dhacday qaybinta deequhu.
Deequhu waxaa ay gaadheen 6 qoys oo kala degenaa xaafadahan:
Jigjigayar: 1 qoys.
Koodbuur: 1 qoys.
Hawlwadaag: 1 qoys.
Manhal: 1 qoys.
Goljanno: 2 qoys.
Qoyskasta oo ka mid ah qoysaska deequhu gaadheen wuxuu helay deeq ka kooban:
Rufuc bariis ah.
Rufuc sonkor ah.
Rufuc daqiiq ah.
3L oo saliid ah.
10kg oo baasto ah.
1kg oo caleen shaah ah.
Dhammaan intii ka qaybqaadatay waa loo mahadnaqayaa, waxaana xusid mudan in qoysaskii aanu deeqaha gaadhsiinay ay idiin soo dirayeen duco aan la koobi karin.
Noqo NololKaabe oo nagu soo biir.
Nagala soo xidhiidh: Zaad# 4068022
Join Us @: http://nolol-kaab.blogspot.com/p/join-us.html

Monday, September 7, 2015

Noqo NololKaabe


Waa run oo sadaqaddu waxaa ay ka bilaabantaa guriga, balse kuma dhammaato bartaasi[1] . Ma caawin karno ummadda oo dhan balse qof kaste oo inaga mid ahi waxaa uu caawin karaa cid uun[2] qofkuna wixii uu bixiyo ee uu walalkii ku caawiyo wuxuu ka dheefsadaa in ka badan inta uu ka la siiyey ka dheefsaday.
Hanti dhammaanteedna waxaa ay u sugnaatay Rabbi, cidda ay gacanta ugu jirtaana waa ka wakiil sid uu Rabbi ku sheegay qur’aankiisa “[3](وانفقوا مما جعلكم مستخلفين فيه)” qofku hadii  uu sadaqad uu ku   kaabo nolosha miskiinka waxaa ay   ilaalisaa hantidiisa noocay doontoba ha noqotee Alle na waxaa uu ugu bedelaa wax ka khayr badan wixii uu baxsaday Ilaahey ayaa qur’aankiisa inoogu ballanqaaday arrintaasi waxaana uu yidhi Alle, 
[4]"إِنَّ الْمُصَّدِّقِينَ وَالْمُصَّدِّقَاتِ وَأَقْرَضُوا اللَّهَ قَرْضاً حَسَناً يُضَاعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ"
Taariikhda  aadamaha lama arag qof sadaqo uu bixyey awgeed  ku saboolay ama hantidiisii ay isu dhintay sadaqadaas awgeed sida uu unoo sheegay Nebigu [5]"ما نقصت صدقة من مال" sadaqo waxba kama nusqaamiso maal, balse taas caksigeeda qofka sadaqada baxshaa wuu ku badhaadhaa oo waxaa ku dhacda ducada malaaigta sida uu rasuulku inoo sheegay waxaa maalinkaste soo dega laba malag markaas ayaa midkood odhanayaa: Allow kii sadaq baxsaday sii bedelkeeda, malaga kalena wuxuu habaarayaa qofkii aan sadaqo la bixin.
Sadaqada ama caawiamduna kuma xidhna xaddiga ay tahay balse waxaa ay qiimo  ku leedahay dareenka muslimnimada iyo ga rashada leh ee aad ku bixiso.
Haddaba Hawlwadeenada NOLOLKAAB waxaa ay heegan ugu jiraan kaabista nololsha dadka aan dabka shidan, waana koox dhallinyaro ah oo hiigsigoodu yahay cidhibtirka faqriga intii la awoodo. Dhallinyaradaasi waxaa ay bil kaste deeqo raashin ah gaadhsiiyaan qoysas danyar ah oo aan dabka shidan. 
Dhallinyaradaasi waa kuwo mutdawiciin ah oo aan macaash doon ahayn waxaana ay u heelanyihiin u gargaarista dadkaasi baahan iyagoo ka duulay aragtida dahabi ah ee tidhaa, "We rise by lifting others"[6]-waxa aanu ku kor marnaa kor u qaadista kuwa kale-.
 Barnaamijku muddadii uu jiray waxaa uu deeqo raashin ah gaadhsiiyey in ka badan 50 qoys waxaana uu bixiyey in ka badan 2 tan oo raashin ah, waxaana xusid mudan in dhammaan deeqahaasi ay bixiyeen dad mutadawiciin ah oo si bille ah ugu xidhan barnaamijka kuwaas oo u badan dhallinyaro.
NololKaab wuxuu soo dhawaynayaa cid kasta oo leh dareen iyo naxariis muslimnimo leh. Ku kor mar kor u qaadista iyo kaabista nolosha danyarta.


[1] Quote from thomas Fuller.
[2]Quote from Ronald Reagan
[3] Suurat Xadiid, 7
[4] Suurat Xadiid; 18
[5] Saxiix Muslim.
[6] Quote from Robert Ingersoll.

Wednesday, September 2, 2015

Bishii July waxaa ay ku beegantay Ramadaan. Hawlwadeenada NololKaabna waxaa ay laba jibaareen hawlahoogii maadaama oo ay Ramadan tahay bishii khayrka iyo sadaqadda.
NololKaabeyaashu waxaa ay deeqo raashin ah gaadhsiiyeen 50 qoys oo danyar ah oo aan dabka shidan jirin.
 






Monday, August 24, 2015

Qaybintii bishii 8aad 2015

Deeqo hor leh ayaa gaadhay 6 qoys oo danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa. Hawlwadeenada NOLOLKAAB waxaa ay u mahadnaqyaan qofkasta oo qaybtiia ka qaatay deeqahaas. Weli waxaanu gacmi furan kusoo dhawaynaynaa cid kasta oo u diir naxaysa walaalahooga baahan ee magaalada kula nool inay sabab ugu noqdaan qudkooga maalinlaha ah. 1.qoyska koowaad- xaafada calaamadaha- u dhow manhal hospital 2.qoyska labaad iyo sadexaad xaafada goljano 4.qoyska afraad jigjiga yar 5.qoyska shanaad saldhiga koodbuur- lana jaar ah laagta koodbuur 6.qoyska lixaad xaafada hawl wadaag u dhow masjid kuwayti.